Error Baa Jira! Javascript Error

Fadlan Enable garee Javascrip si aad u gasho Webkaan
Horn cable Tv Logo
NALA FIIDSO
NOURA SHOW
HORN CABLE LIVE LIVE TV
TODAY SHEDULE
Now News
Next Entertainment
[in 50 mini]
qualitytechlinkk
OPINION

Ma Idiin Muuqataa In Dhaliyaradeenu U Bahantahay Badbaadin Q.2aad

Dhalinyaradana Waxaa la gudboon iney shaqooyin abuurtaan oo aaney cidkale wax ka sugin,ma aha nin aad tidhaado Dhinaca Shaqada 1- Dawladu waa la ogyahay in aaney wada siin Karin shaqo ardeyda soo dhameysatey dugsiyada sare iyo jaamicadaha ,oo aaney wada qaadeynin hayadha dawladu maamusho,balse waxaa xilka saran yahay iney u raadiso shaqo abuur(qorsheen), iyo in shaqooyinka ka banaanada dawlada iyo hayadaha kaleba dhalinyarada loogu qaybiyo si cadaalad ah. 2- Ganacsatadu waa iney iyaguna abuuraan shaqooyin ay ka faaiidi karaan dhaliyaradana ka shaqaaleysiiyaan iyaga oo dhaliyarada ku xulanaya aqoontooda iyo kartida shaqsi ee aan qaab qabiil u xulaneynin. 3- Dhalinyaradana Waxaa la gudboon iney shaqooyin abuurtaan oo aaney cidkale wax ka sugin,ma aha nin aad tidhaado jamicad baan ka soo baxay uun oo dawladaan shaqo ka sugayaa ee waa in aad dadaashaan oo aad dejisataan qoshe shaqo ,sida ganacsiyada yar yare ee kala duwan ,beeraha,xoolaha, kaluumeysiga, waad in dhaliyadu fadhiga ka kacdo oo ay noqdaan qaar diyaar u ah shaqo adag, si ay naftooda iyo ta umadaba u anfacaan.Waxaa jira shaqooyinka hoose iney dhalinyarada waxbaratey ka faanaan,taasimaha fikrad sax ah,waa in dhalinyarada lagu dhiirigeliyaa shaqooyinka hoose si ay si kumeel gaadha uga helaan dakhli ,sida shaqooyinka nadaafada, hoteladada, maqaaxiyadaha, dhismayaasha IWM, oo ay ka shaqayn karaan.Shaqadu malahaka faanid ee waa in dhaliyaradu u bislaataa xaqiiqada, oo ay ka qaybqaataan dakhliga qoyska. DHINACA DHAQANADA XUNXUN IYO MUKHAADARAADKA 1- Afada Qaadka: waa in dhaliyarada laga wacyi geliyaa dhibaatooyinka qaadka waxaa xitaa dhibaatadiisa dareemey dalalka yurub iyo maraykanka oo aaney dadkoodu cunnin, oo somalida soogeliga ah iyo yementa oo inta badan isticmaala Qaadku wuxuu dhalinyarada baraa caajisnimada iyo shaxaadka ,taas oo sabab u noqota inay ku barbaaraan ma shaqaystayaal. Taas badelkeeda waa in wasaaradaha hawlahoodu yahay dhiirigelinta dhalinyarada sida kuwa ciyaaraha, dhalinyaradawaa in ay xoojiyaan dhinacyada ciyaaraha kala duwan, oo ay ku jiraandabaashu,IWM. 2- Qabyaalada: dhibaato jirta oo loo bahan yahay in iyadana laga wacyi geliyo laguna bedelo kaalintawadaniyada iyo wadan jaceylka.Waa in ururada dhalinyaradu qabtaan tartan aqooneed kala duwan,Wasaarada dhalinyaradu waa iney dhistaa oo dejisaa qorshe siyaasadeedka horumarinta dhalinyarada ,sida sportiga, aqoon isweydaarsiga, hidaha iyo dhaqanka, horumarinta dhinaca shaqada, abuurida shaqooyinka yar yar, ka qabgalka samafalka ee samafalayaasha, horumarinta xirfada shaqo iyo talo siinta dhalinyarada.Qorshayaalkaasi waa kuwo meesha ka saaraya fikirka cudurka qabyaalada. Sidaas awgeed hadii aynu dooneyno in aynu ka badbaadino dhalinteena dhibaatooyinka,Tacriibta,Qaadka,Qabyaalada,Shaqo la’aanta, Maandooriyasha, waa in loo hawlgalaa dhamaan dawlad,shacbi, waalidiin, hayadaha qabisan arimaha dhalinyarada in la siiyo ahmiyad weyn oo si wada jira wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi aynu soo sheegney.Dhalinyaradana waxaa la gudboon iney ka kacaan fadhiga iskuna diyaariyaan ka qaybgalka horumarka wadankooda. WAAD MAHADSAN TIHIIN M J FARAH POLITICAL ANALYST - See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=128678#sthash.iobDUA53.dpuf

MAQAAL : Ma Geyaan Qoriga Iyo Rasaasta Nool!

manmustafa@gmail.com Aqoonta iyo waxbarashadu waa awoodda dhaqaaji sahorumarka, waa xuddunta iyo halbowllaha horumarka.Waxbarashada waxaa ku xidhan shaqo abuurista iyo dhaqaallaha ka soo bilaab ma qof ee socda ilaa iyo qaran, jaamacaddaha iyo waxbarashada sare waa ubucda dhaqaalluhu ka duulo. Dheefta waxbarashada sare iyo jaamacaduhu ma aha uun doorka ay horumarka ku leeyihiin, mana aha uun tababarka ay shaqsiyaad helayaan: waxay se lagama maarmaan u yihiin xallinta mashkilladaha kala duwan ee bulshada. Jiritaan ka jaamacaddaha waxa kasoo unkama labada tiir ee ugu waaweyn horumarka: hindisaha shay cusub ama feker cusub iyo dhaqaajinta feker kaasi cusub (invention and labour market force). Waxaa markhaati cad innooga noqonnaya doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin isbedellada horumarka dunida ka dhacaya ama hore uga dhacay ba odaygii la odhanjiray James Watt kolkii uu jaamacadda Glasgow ka tirsanaa sannadii 1776 waa kii maalin kaga dhawaaqay jaamacaddaasi in uu ku guulaystay mishiinkii ugu horeeyay dunida. Mishiinkaasi waxa uu noqday sees kii uu ka billaabmay dhammaan kacaankii warsashaddaha iyo tiknoolajiyada. Waxa maanta mishiin dunnida ka guuxaya, noocuu doono ha noqdee waxa uu ka soo billaabmay jaamacadda Glasgow sannadkaasi aan kor ku sheegay. Jaamacadduhu waxay ku mutaysannayaan amaan ta waxa ay bulshadooda u qaban karaan ama ay tahay ba in ay u qabtaan. Inta aannan dulluc da qoraalkan u gelin waxaan xusi lahaa in Jaamacadda Hargeysi aannay nasiib u yeelan in ay yeellato urur middeeya dhammaan arddayda jaamacadda oodhan.Nasiibdarridaasina waxaa lagu muransan yahay in ay lug weyn ku lahaayeen ama ku leeyihiin ba xukuummadaha waddan ka Somaliland soomaray ama ka jiraba. Iyada oo ay sidaatahay, maantana warka jaamacaddii Hargeysa ka sooyeedhayaa waa war laga xumaaddo. Waxaa warbaahinta la iska arko ka muuqday ardday faro badan oo la sheegay in ay ka gadoodsanaayeen lacag inta ay doonto ha leegaatee lagu kordhiyay Jaamacadda Hargeysa. Ummuurtanni waxay u muuqataa in aan loo marin waddo ilbaxnimo, islamarkaa aan lagu sallayn dhexdhexaadnimo aasaas looga dhigay duruufta iyo waayaha arddayda ay saamaynnayso lacag kordhintaasi. Kolkaa haddii ay arrintu sidaa u dhacday arddayda dibad baxa sameeyay miyaannay ra'yigooda cabbirikarin? Askariga qoriga la ordaya ee rasaasta gadh ka u geliyay arddaydu xaguu ka yimi, arrin tan muxuu ku kordhin karayaa, ama muxuu yeelikarayaa? Wasaaradda waxbarashadu miyay wayday miciin dhaamma askariga rasaasta ku furaya ubaxii waddan ka? Gadood ka maxaa keenay, maxay arddaydu u aqballi wayday lacagta lagu kordhiyay fiiggii ay bixinjireen? Ma isyeelyeel baa?,maya ee ma aha, saw kuwa intakabadan ba bixiya, ee sannadkasta iyo bilkasta ba bixiya. Kolkii maamul ka wasaaradda waxbarashada, ama wasiiradda wax laga wayddiiyay falcelintaasi arddayda ee lacagta la kordhiyay waxa ay wasiiraddu ka bixisay jawaab aan meesha qabannayn. Jawaab u muuqatay mid dhinaca kordhinta lacagta uun difaacaysay, dhalliil xoogleh na u jeedinnaysay arddayda duruufta iyo waayuhu hayo ee ka gadooday lacagtaasi. Haweennayda madaxa ka ah wasaaradda iyo agaasimaheedu kolkii ay ka jawaabayeen waxa ay is garabdhig ku sameeyeen jaamacaddaha gaarka loo leeyahay iyo Jaamacadda Hargeysa ee aan dhan ay ku tirsan tahay lagaranayn! Iyada oo lagu xuso miisaaniyadda waddan ka in waxooggay lacag ah loogu daro Jaamacadda Hareysa haddana, ardaydu waxay bixiyaan dhammaan fiigga iyo buugta ama waraaqaha ay wax ka dhiggannayaan. Isgarab dhig lagu sameeyo Jaamacadda Hareysa iyo jaamacaddaha kale ee gaarka loo yeehay, xal u noqonmayso dhibaatada ragaadday ee Jaamacadda Hargeysa taalla. Masuulliyiinta wasaarradu markan ay ku celcellinayaan jaamacaddaha kale intan iyo intaasay ka qaadaan aradayda, ma waxay u jeedaan qiimaha jaamacaddaha kale uun ku dayda mise aqoon iyo baahi kale ayaa keentay in fiigga la kordhiyo? Haddii ujeeddo kale oo qorshaysanni ay jirto ha hortagaan arddaydooda oo ha u sharxaan iyaga oo isha ku haya waxa ay ku darayaan iyo duruufta ardday da ba. Garnaqsigii masuulliyiin ta wasaarraddu waxa uu ahaa mid caaddifadi ka buuxdo oo aan door kii xallin ta khillaafaad ka ee hoggaamiye laga fillan lahaa ka madhan. Xukuumadda waxaa waajib ku ah in aannay goor walba dhiigga shacab ka in ay daadiso ku degdegin, xadhiga iyo cago juglayntana ay ka korto. Ardday da jaamacaddahana waxa ku waajib ah in ay aqoontooda kor uqaadaan, oo xukuummada ku san-dulleeyaan in ay kor uqaado oo tayayso tacliinta sare, si ay manaafacaad u yeeshaan. - See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=128343#sthash.sLNoJz70.dpuf

MAQAAL : Wax Ka Baro 18 May Iyo Sooyaalka Tariikhda Somaliland

  Somaliland wali caalamka ka helin aqoonsi buuxda.Somaaliland waxay xad la wadaagtaa Jabuuti,Itoobiya iyo maamulka kale ee Puntland. Somaliland waxey kamid aheyd gobolladii Ingiriisku gumaysan jirey, waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday gobolada koonfurta Soomaliya oo Talyaanigu guumeysan jiray.Sanadkii1991 ayey Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxayna la baxday magaca Somaliland magaalo-madaxna waxaa u noqotay magaalada Hargaysa. Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland. Waxaa ku xigey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaaloo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin. Aminkan lajoogo waxa madaxwayne u ah siilaanyo.Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed sida Kulmiye, Wadani iyo UCID. Somaliland Waxa Soo Maray Saddex Madaxweyne oo Xukunka Isaga danbeyay Madaxweynaha Haatan talada haya waxa lagu soo doortay Doorasho dadweyne oo toos ah oo si xor uga dhacdey Somaliland dadka somaliland waxa ay mujiyen in ay yihiin bulsho nabadeed oo deriskooda nabad kula nool, dadka Somaliya waa inay ka fekaran sidii ay iyagu u noolaan lahayen oo nolashooda ugu koobnaan lahayen, somaliland hadii ay gundhig u ahayd midninadii somaliya ee lagu jabay haatan diyaar uma aha in ay somaliya wax la wadaagaan somalidu taa ha fahanto somaaliland qabaa,ilada wada degaa waa ku qanacsan Yihiin Guud ahaan Aftidii Dastuurka Somaliland oo Xaqiijinaysay Gooni isu taaga ayaa laga qabtey wadan ka gebi ahaan 2001. Taariikhda aadka u fog Somaliland waa magac aad ucusub marka la eego taariikhda uu wadankani leeyahay jamhuuriyada somaliland waxaa horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga iyo cadarka iyo bukhuurka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka uu kasoo jeedo magaca berbera xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaadhay somaliland waxa looyaqaanay dhulkii saylac ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa somaliland. Taariikhda iyo 18 may 1991 In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhadii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18kii May in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960. 18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgamayaashaasi. Ma soo koobi karno qiimaha ay maalintani ugu fadhido qarankan, iyo muhiimada ay leedahay. Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii. Wakhti badan ku lumin mayno ka sheekaynta duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo 1991kii. Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. SHirkan waxa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin. Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool. Waxaynu wax ka soo qaadan doonaa khubdadii ay shirkaa ka jeediyeen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Ilaahay ha u naxariistee marxuum Ibrahim Maygaag Samatar oo wakhtigaa ahaa guddoomiyihii golaha dhexe ee SNM.barmaamujkan waxaan kaga qaybqadanayaa xuska 18ka may oo bulshada somaliland

WAA MUHIIM IN CODKAAGU MUUQDO

Ururka Somaliland UK Citizens, waxay kugu marti qaadayaan inaad kala soo gasho xaflad weyn oo muhiima oo lagaga hadlayo LET YOUR VOICE BE HEARD! Dear Somalilander • Do you live or work in London borough of Tower Hamlets? • Are you 18 years old or over? • Are you British, Commonwealth or European citizen? Somaliland UK Citizens would like to invite you to important event to discuss the UK voting system and importance of registering and voting. It is crucial for the Somaliland community in Tower Hamlets to register and vote the upcoming local election in order to have strong voice which highlights the achievements and concerns, and this cannot be done without the active participation of the community in the electoral system. We also wish to lobby and demand from Tower Hamlet Council to follow Sheffield City Council and recognise Somaliland as Sovereign State. Please come along and support Somaliland UK Citizens in both of these objectives. Saturday 19th of April 2014 at 6:30pm – 10:00pm Contacts: 07940212027| 07956854625| 07985355762 | 07931821364 | 07960332815 www.somalilandukcitizens.com 0207 993 6478 | info@somalilandukcitizens.com WAA MUHIIM IN CODKAAGU MUUQDO Wadani, Somalilander • Ma degen tahay ama ma ka shaqaysaa Degmadda Tower Hamlets? • Ma jirtaa 18 sano ama ka weyn? • Ma haysataa dhalashada Britian, Commenwealth ama Europian Citizen? Ururka Somaliland UK Citizens, waxay kugu marti qaadayaan inaad kala soo gasho xaflad weyn oo muhiima oo lagaga hadlayo habka dalka UK looga food-gareeyo, sida la isaga diiwaangeliyo iyo habka loo codeeyo. Waana daruuri dadka reer Somaliland ee degen Tower Hamlets inay isdiiwaan geliyaan, codeeyaana doorashada soo socota ee golaha degaanka, si ay u yeeshaan cod-muuqda oo waxtar u yeelan kara, degaanka ay degen yihiin iyo dalkii hooyo ee Somaliland. Ururka Somaliland UK Citizens, waxa kale oo uu ku cadaadinaya golaha degaanka xaafadda Tower Hamlets, inay raacaan wadaddii Golaha Deegaanka ee Sheffield ee ay ku aqoonsadeen Somaliland. Haddaba, waxa la gaadhay markii aynu ka dhaadhicin lahayn Golaha Deegaanka Tower Hamlets inuu aqoonsado Somaliland, iyaddoo xaafadda Tower Hamlets tahay meesha dadka reer Somaliland ugu badani ay ka degen yihiin dalka Britian, laguna qiyaaso 12,000. Waa muhiim in codkeennu manta oo kale muuqdo, innagoo ogsoon in doorashadii golaha deegaanku dhici doonto bisha dambe. MAALINTA: SABTIDA |TAARIIKHDA: 19 APRIL 2014 |WAKHTIGA: 6:00PM – 10:00PM ADDRESSKA: Oxford House, Derbyshire Street, Bethnal Green, London E2 6HG XIDHIIDHKA: 07940212027| 07956854625| 07985355762 | 07931821364 | 07960332815 www.somalilandukcitizens.com | 0207 993 6478 | info@somalilandukcitizens.com - See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=128296#sthash.WTnguNuR.dpuf

Farqi Weyn Ayaa U Dhexeeya Xorriyada Ra’yiga Iyo Ilaalinta Sharafta Muwaadinka, C/Xakiim Axmed Cali ( Hindi)

Xisbiyadu mucaaridka ah ee Somaliland waa kuwo aanay xadaysana Farqi Weyn Ayaa U Dhexeeya Xorriyada Ra’yiga Iyo Ilaalinta Sharafta Muwaadinka,C/Xakiim Axmed Cali ( Hindi) Qalinmaal Xisbiyadu mucaaridka ah ee Somaliland waa kuwo aanay xadaysanayn barnaamijyadood iyo qorshooduba ilaa wakhtigan. Waxay ku dhawaaqayaan inay u shaqaynayaan masalaxadda Ummadda dhinac walba.. Laakiin side lagu rumaysan karaa iyadoon ilaa hadda laga arag wax haba yaraatee samafal ah oo ay bulshada u qabteen.. Madaxda xisbiyada iyo xubnohoodu waxay ku heshiiyeen faramadhanaan , siday ugu heshiiyeen gaadhida xukunka iyo dadaakiisa si kasta wanaag iyo xumanba. Arinkoodu waa “ Dantaada waa loo dib jira”. Tani waxa kuu cadaynaya waxa kasta oo dawladu ku dhaqaaqdo way ka hor imanyaan, wargeyska Haatuf ee ku xadgudbay xuquuqda muwaadiniinta ayay la barbar taagn yihiin difaac iyo in loo adeegasanayo in la cabudhiyo xoriyatal qawlka. Farqi weyn ayaa u dhexeeya Xornimada ra’yiga , fikirka iyo hadal cadanyta , wada tashiga, waanada iyo wax isu sheega. Waxa wanaagsan inay dawladuu nidamiso xisbiyada iyo saxaafadda shaqdooda , oo ay ku soo dabaasho xayndaabka shuruucda dalka. Wa inay noqdan hay’ado shaqaynaya, Sidaas awgeedna waa inay ilaaliyaan nidamka sharciga ah ee ay ku dhisan yihiin… Saxaafaddu gar iyo gardaraba dawlada iyo sharci la hadli kartaa ma jirto, waayo waxa lagu xadgudbayaa xoriiyadii saxaafdad, Xisbiyaduna marka loo tilmaamo inay sharciga ku soo noqdaan waxay ku dhawaqayaan inay hawlahooda cidhiidhi la gelinayo oo xorriyadii dastuurku siiyay laga qaadayo.… Somaliland waxay ku dhisan dastuur , waxayna noqonaysa waxaan la fahmi Karin oo aan caqligana geli Karin in xisbiyada hawlaha ay qabanayaan ay noqdaan kuwo ka hor imanaya shuruucda dalka u yaal! Dastuurku ma ogola in sharafata muwaadinka si badheedha ah meel loogaga dhaco. Dad badan aya is waydiinayaa halka ay Xisbiyada siyaasaddu ka tagan yihiin Dalku xukuumad loo doortay ayaa talada haysa, Xisbiyada waxa looga baahan inay iyagu is dhisaan oo nidaam iyo shuruuc loogu soo hirto ay samaystaan, halka ay kaga mashquulayaan Wargeysa qoraal uu faafiya lagu soo dacweyay. Qofka muwaadinka ah ee ku xadgudba shuruucda dalka waa la dacweeyaa , maxa u diidaya in wargeyska sidaas laga yeelo, isagu sharciga ma ka sareeyaa? Haddii nidaamka iyo shuruucda dalka la ilaalin waayo qofku wuxu noqonayaa qof hawadiisu u been sheegtay oon uu arka in aanay jirin cid wax ka qaadi kartaa, taasina waa tan Somalidu tidhi: “ Haddii Hawadaadu Ku Been Sheegto , Dantaada Ayaa Ku Run Sheegi” Waxay samaynayaan qoraal bidixayn ay ka leeyihiin hadaf iyo ujeedo cad oo ku dhisan danaysi gaar ah. Marka Bidixda Oo Qudha, lagu Qoro Run Iyo Been Taladaa Ha Bururtoo WA BILAAHI TAWFIIQ. yn barnaamijyadood iyo qorshooduba ilaa wakhtigan. Waxay ku dhawaaqayaan inay u shaqaynayaan masalaxadda Ummadda dhinac walba.. Laakiin side lagu rumaysan karaa iyadoon ilaa hadda laga arag wax haba yaraatee samafal ah oo ay bulshada u qabteen.. Madaxda xisbiyada iyo xubnohoodu waxay ku heshiiyeen faramadhanaan , siday ugu heshiiyeen gaadhida xukunka iyo dadaakiisa si kasta wanaag iyo xumanba. Arinkoodu waa “ Dantaada waa loo dib jira”. Tani waxa kuu cadaynaya waxa kasta oo dawladu ku dhaqaaqdo way ka hor imanyaan, wargeyska Haatuf ee ku xadgudbay xuquuqda muwaadiniinta ayay la barbar taagn yihiin difaac iyo in loo adeegasanayo in la cabudhiyo xoriyatal qawlka. Farqi weyn ayaa u dhexeeya Xornimada ra’yiga , fikirka iyo hadal cadanyta , wada tashiga, waanada iyo wax isu sheega. Waxa wanaagsan inay dawladuu nidamiso xisbiyada iyo saxaafadda shaqdooda , oo ay ku soo dabaasho xayndaabka shuruucda dalka. Wa inay noqdan hay’ado shaqaynaya, Sidaas awgeedna waa inay ilaaliyaan nidamka sharciga ah ee ay ku dhisan yihiin… Saxaafaddu gar iyo gardaraba dawlada iyo sharci la hadli kartaa ma jirto, waayo waxa lagu xadgudbayaa xoriiyadii saxaafdad, Xisbiyaduna marka loo tilmaamo inay sharciga ku soo noqdaan waxay ku dhawaqayaan inay hawlahooda cidhiidhi la gelinayo oo xorriyadii dastuurku siiyay laga qaadayo.… Somaliland waxay ku dhisan dastuur , waxayna noqonaysa waxaan la fahmi Karin oo aan caqligana geli Karin in xisbiyada hawlaha ay qabanayaan ay noqdaan kuwo ka hor imanaya shuruucda dalka u yaal! Dastuurku ma ogola in sharafata muwaadinka si badheedha ah meel loogaga dhaco. Dad badan aya is waydiinayaa halka ay Xisbiyada siyaasaddu ka tagan yihiin Dalku xukuumad loo doortay ayaa talada haysa, Xisbiyada waxa looga baahan inay iyagu is dhisaan oo nidaam iyo shuruuc loogu soo hirto ay samaystaan, halka ay kaga mashquulayaan Wargeysa qoraal uu faafiya lagu soo dacweyay. Qofka muwaadinka ah ee ku xadgudba shuruucda dalka waa la dacweeyaa , maxa u diidaya in wargeyska sidaas laga yeelo, isagu sharciga ma ka sareeyaa? Haddii nidaamka iyo shuruucda dalka la ilaalin waayo qofku wuxu noqonayaa qof hawadiisu u been sheegtay oon uu arka in aanay jirin cid wax ka qaadi kartaa, taasina waa tan Somalidu tidhi: “ Haddii Hawadaadu Ku Been Sheegto , Dantaada Ayaa Ku Run Sheegi” Waxay samaynayaan qoraal bidixayn ay ka leeyihiin hadaf iyo ujeedo cad oo ku dhisan danaysi gaar ah. Marka Bidixda Oo Qudha, lagu Qoro Run Iyo Been Taladaa Ha Bururtoo WA BILAAHI TAWFIIQ.

Farah faces marathon baptism of fire

Britain's double Olympic and world champion Mo Farah makes his eagerly-awaited marathon debut in London on Sunday, but has his work cut out with the jump-in distance and competition from top Kenyans and Ethiopians. Kenya's elite runners say they have little to fear from the newcomer to the distance, predicting a baptism of fire for Farah as he grapples with uncharted racing territory coupled with seasoned marathon veterans setting a punishing pace. The 32-year-old 5,000 and 10,000m track star spent the better part of the winter training in Kenya's high-altitude Rift Valley region in a bid to raise his game and compete against the world's best. Leading the elite field is Kenyan Wilson Kipsang, who holds the world record after clocking a spectacular 2:03.23 in Berlin last year and has won London in 2012. Observers of the sport see Farah as being capable of running a time of around 2:06. "It's not going to be easy (for Farah) and he's not likely to win," Kipsang told AFP. Farah caused a scare last month when he collapsed after the New York City Half Marathon, in which he came in second behind Kenya's Geoffrey Mutai and failed again to break the one hour mark for 21.1km (13.1 miles), something his competitors manage on a regular basis. Mutai, who regularly trains with Kipsang, will also be racing London and will also be a fearsome competitor having won the New York marathon twice, as well as Berlin and Boston, where he clocked an unofficial world best of 2:03.02. Still, Mutai said the Somalia-born Farah will be something of a dark horse in the pack. "He's actually very fit and he will give us a big push in London," Mutai said, adding: "We are ready for his challenge." Fellow Kenyan Emmanuel Mutai, another rival who holds the London marathon course record of 2:04.40, said Farah's only hope would be if the Kenyans and Ethiopians set out at too fast a pace and hit the wall -- repeating what happened a year ago. "I'm only hoping the runners do not try to break each other down in the fight for the lead during the early part of the race like we did last year, to our own detriment," he said. Early pace-setting will be provided on Sunday by the legendary Haile Gebrselassie of Ethiopia, who is under instruction to take the athletes through the first 30km at the world record pace. The elite Ethiopian contingent is also strong: the diminutive but gritty racer Tsegaye Kebede will be there to defend his London title, sub-2:05 runners Ayele Abshero and Tsegaye Mekonnen will be in the pack while 10,000m world champion Ibrahim Jeilan will also be making his marathon debut.

Sidee wadamadu u xisaabiyaan wax soo saarkooda gudaha (GDP): -

Xogta loo yaqaan afka qalaad GDP (gross domestic product), wax xog xisaabeed lagu cabiro wax soo saarka wadanka gudihiisa ee sannadkii. Waa isu gaynta qiimaha dhammaan alaabta iyo adeegyada laga soo saaray wadankaas ee xilli goan, badanaa sannad. GDP waxay leedahay muhiimad dhaqaale oo aad u wayn; inta badan dhaqaalayahanada dunidu waxay u adeegsadaan daraasadaha dhaqaale ay samaynayaan, sida cabbirka dhaqaale korodhka wadanka. Dawladaha ayaa sidoo kale xogta GDP aad ugu tiirsan una isticmaala si ay u sameeyaan ama u cabbiraan kharashka ay ugu baahan yihiin inay geliyaan arrimaha bulshada. Hase ahaatee GDP waa xog adag in iyadoo saxan la helo, haddaba sidee wadamadu u xisaabiyaan GDP-? Dhaqaaleyahanada Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa bilaabay inay xisaabiyaan dhakhliga dhaqaalaha wadamadooda dabayaaqadii qarnigii 16-naad iyo bilowgii qarnigii 17-naad. Waxay inta badan qiyaasayeen sidii ay u maareen lahaayeen oo uga talo bixin lahaayeen dakhliga cashuuraha. Laakiin waxa si joogta ah loo bilaabay inay wadamadu sannadle u xisaabiyeen GDP-gooda horraantii qarnigii 20-naad. Xilligan waxa dadku barteen xirfado xisaabeed oo casriya (statistical techniques), sidoo kale waxa jiray dagaalo wadamada ku qasbayay inay xisaabiyaan akoonada qarankooda lacagta ugu jirta, si ay u hubiyaan in dagaalku kharash ahaan munaasib yahay. Inta badan wadamada hore u maray, warbixinahoodii sannadlaha ahaa ee GPD waa diyaar oo sannad kasta waa la qoraa ilaa 1930-kii. Dhaqaaleyahan Ruush ah, oo u haajirey Maraykanka oo magaciisa la odhanjirey Simon Kuznets ayaa loo aqoonsaday shakhsigii u horreeyey ee sameeya GDP sax ah dunida, waxana uu u gudbiyey Kongarayska Maraykanka 1934-kii. Dagaalkii labaad ee dunida, iyo caqabadihii dhaqaale ee ka danbeeyey, waxay dawladaha ku qasbeen inay dhaqaalahooda cabbiraan. Ilaa xilligaa xisaabinta GDP-ga wadankasta waxa gacanta ku hayay xafiisyada xisaabaadka qaranka ee xukuumadaha ka jira. Wax soosaarka wadanka waxa loo xisaabin karaa saddex qaab midkooda: in la isugeeyo dhammaan kharashkii baxay sannadkaa, in la isugeeyo dhammaan dakhligii soo galay sannadkaa, ama in la isu geeyo dhammaan dheefkorka sannadka (value added). Wadamada qaar sida Ingiriiska, waxay maraan saddexda hab oo dhan, waxana ay soo saaraan hal GDP, halka wadamada qaarna ay saddexda hab mid uun maraan sida Maraykanka oo k xisaabiya xagga kharashka. Xogta waxa laga soo ururiyaa meelo badan, sida wershedlayda, qandaraaslayaasha iyo tafaariiqlayaasha iyo meelo kale. Xogtan waxa loo isticmaalaa in la qiyaaso qaybaha ay ka koobantahay GDP-du, sida isugaynta maalgelinta iyo dhoofinta rasmiga ah. Maadaama ay muhiimtahay in inta uga badan la saxo xisaabinta GPD-da wadanka, waxa marka hore lasii daayaa warbixinno iyo tirooyin hordhac ah, si loo saxo oo loogu daro hadba wixii xogo dheeraada soo baxa. Inkastoo Somaliland, wasaaraddahu soo saaraan warbixino wax ku ool u ah bulshada, gaar ahaan wasaaradda qorshaynta oo soo saarta warbixino dhaqaale oo muhiim ah, haddana waxa aan weli marna la soo saarin GDP-ga Somaliland, oo aad ugu muhiima in wax laga ogaado dhaqaalaha wadanka iyo heerka uu marayo. Mararka qaar waxay dadku ka qiyaasaan dhaqaale korodhka Somaliland, korodhka miisaaniyadda Somaliland oo ilaa 1993 si isdaba jooga u kordhaysay. Laakiin korodhka miisaaniyadda keliya waa korodhka kharashka dawladda uun. Cabdirisaaq Cabdilaahi Cabdirisaaq_007@hotmail.com

Daryeel La'aanta Caafimaad ,Dibindaabyada Dhakhaatiirta Ajaanibka Ah Iyo Mooganaanta Wasaarada Caafimaadka

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya xayaysiiska goobo caafimaad oo cusub oo ay badankooda joogaan , amaba ay yimaadaan dhakhaatiir ajaanib ah waa xayasiisyada ugu badan ee laga maqlo, lagana arko shaashadaha TV yada idaacada iyo waliba jaraa’iddada maalinlaha uga soo baxa magaalada Hargaysa. Iyadoo sidaa lawada dareemayo u badanayaan goobaha caafimaad ayaa hadana waxaa sii cakirmaysa oo xaalad werwer badan galaysa caafimaadka bulshada ku nool Somaliland , oo dhamaantood miyi iyo magaalaba ay cafimaadka u soo doontaan magaalo madaxda dalka ee Hargaysa , lagana helo goobaha caafimaad ee ugu badan. Hadaba dhibaatooyinka dhabta ah ee jira ayaa waxa ay yihiin in si sahlan loo siiyo rukhso caafimaad dadkan sheeganaya dhakhaatiirta iyadoon la hubsan aqoontooda iyo xataa shahaadooyinka ay sitaan , wax saxa ma yihiin mise maaha, hadii aad u fiirsato goobahan waxaad dareemaysaa inay yihiin oo kaliya goobo loo furtay ganacsi ee aan loo furan in wax loogu taro ama lagu daweeyo dadka bukaanka ah ee sida toga ugu soo qul qulaya goobaha caafimaadka. Hadii aad u kuur gasho arintan waxaad dareemaysaa arxandarada ajaanibku ku hayaan umadeena bukaanka ugu timaada, waxaad dareemaysaa damiir la,aanta dadkan la shaqaynaya ee ah shaqaalaha caafimaadka ee somalilanderska ah haday yihiin nurse , turjumaan, ama dhakhaatiirba. Arinta aan ka hadlayo waa baadhitaan marag ma doon ah waa dhibaato qofkasta oo is yidhaada baadh uu ogaan karo waliba aan wakhti badan kaa qaadanayn, waa mushkilad si caam ah u fiday marbana xadaarad ka soo gudubtay iyo xeelad hadana maraysa heer wax ka qabashadeeduba ay yartahay , sababtoo ah dadkii waa wax dhibaatadan u dhintay oo bari horeba ku daayay iyo qaar la ildaran dhibaatooyinkii ka soo gaadhay , waxaa ugu yare e qofka bukaanka ah kala kulmo goobahan waxay tahay isagoo la siiyo daawo qaldan, qaarkood waxaa lagu sameeyaa qaliin lacag xad dhaafa lagag qaato wax ala wax loo qabtayna aanayj irin oo qofkii inta dhaawac halisa loo gaysto dib loo tolo , cid iswaydiisana aanay jirin , xataa maxkamad lama tiigsan kartid, xaquuq kaliya oo aad leedahay ma jirto markasta waxaa saxan waraaba dadeedka dhakhtarka iska dhigaya ee ku cunaya, garawshiyo xataa kama helaysid dawladadaada bahwaynata caafimaadka ee kugu xeeran iyo waliba dadkii meeshan keenay ajaanibka . Waxaa dhacda oo aan u baahnayn markhaati oo aan aragnay shaybaadhiiste ajaaniba oo Hargaysa dhexdeeda uga shaqaynaya dhakhtar ahaan , waxaa dhacday kuwo ardaya oo inoogu yimaada inay inagu tababartaan kuuna sheeganaya dhakhtar dumar ama caruur , ama takhasusaad lamida. Waxaad ugu imanay goob kaliya afar shan dhakhtar oo midba leeyahay waxaas ayaan ku takhasusay, hadana adoo mid kaliya u socday oo cabatin qudha lahaa ayaa waxaa dhacda inay kugu kalifaan inaad la kulanto oo marto ugu yaraan labo ama afartaba iyagoo midba midka kale kuu gudbinaya oo kuleh xanuun hebel ayaan kaaga shakiyay hebel ayaa ku takhasusay ee u tag markaas ayaan ana daawadayda ku siindoonaa. Hadana nasiib daro adoo intaas oo dhan maray ayaa xanuunkaad qabtay inuu sii kordho mooyee aadan dareemayn wax kasoo rayn ah. Malihi maxaa loo ladnaan la,yahay oo caafimaadku wuxuu ku jiraa gacanta Ilaahay. Laakiin bal ugu yaraan maxaa daawooyinkii aad dhibkaas oo dhan u martay aduunyadaadii oo dhan ku wayday jawaab yarna looga la,ayahay. Waxaad la kulmaysaa bukaan xanuunkisa uu u yahay wax la garan karo la daawayn karo oo laba week wax ka badan aanu xanuunkani sii hayn doonin haduu helo dawada ku haboon , oo halkii laga siinlahaa antibiotic gii ku haboonaa loo miisayo irbado iyo kiniino Ant –pain ah oo isku si uun xumadan u jaraya mararka qaarna iskuba group ah marka loo eego habka loo qaybiyo daawada hadana iyadoo irbada iyo iyadoo kiniin ah ayaa halmar la siinayaa qofkii bukay Waa hubaal inuu qofkan maalmaha uu qaadnayo dareemayo caafimaad waayo ugu yaraan xumadii ayaa laga jabiyay laakiin isla marka uu dhamaysto daawadan xanuunkii iyo dhibkii waa halkoodii. Hadaba aan ku soo afmeero maqaalkan dhibaatada aan ka hadlayno inay sabab u yihiin sadex qodob, sida aan u arko aragtidayda gaaban . 1- Waa wasaarada caafimaadka oo si sahlan u siisa rukhsada ajaanibkan imanaya dalka wax ay qaladgaystaana aan ilaa hada lagaranyn maxaa uga qorsha ah . maxaase sababaya in sidaa dhibka yar loogu aamino bulshada dhakhaatiirtan aan la hubsan takhasusaadkooda?. 2- Bahwaynta caafimaadka ka shaqaysa haday tahay dhakhaatiir nurse ama shaybaadhiistayaal. Oo aan odhan karo doorkoodii si sax ah ugamay soo bixin inay kasoo baxaan iska daayee qaarkood ayaa u adeega oo dhibkan la ogol lana wadaaga dhakhaatiir ku sheegan imanaya dalka. 3- Dadwaynaha oo si indhola,aan ah u aamina ajaanibkan dalka ku soo qulqulaya iyagoo ka yaacaya dhakhaatiirtoodi kalsoonidoodiina wada siiyay ninkan ama naagtan cadaanka ama afirikaanka ah ee u yimi inay dadkan hurda ka faa,iidaan. Guntii gabagabadii iyo gunaanadkii maqaalkayga waxaan kula talinlahaa dhalinyarta iyo aqoonyahanka dalkan inay bal u kuurgalaan arinkan xalna loo raadiyo si isku duubni ah meelna looga soo wada jeesto dhibaatadan bulshadeena ku sii badnaysa, lagana wacyi galiyo umada kusii qulqulaysa . Qalinkii – Farax Osman A/laahi bintsaeed20@gmail.com

Maandeeq iyo Awgeedi Shaamboow Sheeko Taxane ah qaybtii 9aad

sagoo Jeclaa Maah Maahda Odhanaysa Hangaraarac Lug Uma Dhutiyo Taas Oo Uga Jeeddo 5 Ka soo horjeestey 95 Sid ugu horayn dhamaan asc wr wb mahad dhamaanteed waxay u sugnaatay/ Allaha weyn ee Waaxidka ah. waxaa Mudan inaan karaamayno muwaadinkasta oo qarankan Soomaliland u ah kaabe arimaha bulshada gaar ahaan bahda saxaafada maqal iyo muuqaalba iwm. Waxay sheekaddeenii inpoo Joogtey Awgeedi shaamboow tiyaatarkii xamar nigis yar Xidhan oo Hadba Dhan u Cararaya Markii uu ku hungoobey Ama Guul Daraystay Soo Qabashaddii Kooxdii reer Murqaansane Ee Ku Sugayey Mahakan. Maalintaa Iyada ah Waxaa Soo Gaabtay Beentii Iyo Waxyaabihii Tirada Badnaa Ee Loo sheegi Jirey Waxaa kaloo Iyaduna Meesha Ka Baxday Arin Si Qaldan Loogu Sheegay Oo Uu Siniyad ah U Rumaysnaa awgeedi Shaamboow Kasoo Ahaa Bableeyshanka Soomaalia Ku Nool 5% In Ay Noqonayaan Reer Murqaansane Tira Ahaan . Isagoo Jeclaa Maah Maahda Odhanaysa Hangaraarac Lug Uma Dhutiyo Taas Oo Uga Jeeddo 5 Ka soo horjeestey 95 Sida Uu isagu haystey Ama ay La,ahayd Kooxdii sixirlayaasha oo Dhanba Isaguna si run ah U aaminsanaa Laakiin warwaaka War Baa ka danbayndoona Waxaana markasta Aan Laga Boodi Karin Waxa Xaqiidadu Tahay. Miisaankaa Qaldan Ee Miiska Loo Soosaaray Mar Hore Ayay Ka fiirsashadiisu Haboonaa Laakiin Maanta Arinku Wuxuu U Eg Yahay Mid Ka Baxay Deerkii Xal U Raadinta. Xaga Kale Tirada Ciidan Ee Uu Haystaa Geedi shaamboo Waxay Dhan Yihiin 350,000 Waxaa Kaloo U Dheer Noockasta oo Hub ah Oo Lagu Dagaalamo Way Haystaan . Dhankale Ee Reer Murqaansane Tiradooda Ciidan waa 5,000 Ilaa 10,000 Tira Ahaan Iyo Hub Ahaanba Aad baa Looga Badan Yahay Lakiin Waxay ku dagaalamayeen Xaq U dirir Run Ah bay ahaayeen Taasina Waxay Suuro Gelisey Ku Dhicitaan Iyo Dhiiranaan Dheeraad Ah Si dhab ah waxay U bilaabeen Dagaalkii Taas oo Suurta gelisey In Ay Habeenkii Ugu horeeyeyba Gacanta ku Dhigaan Caasimaddii labaad Ee Dhanka gobolada Woqooyi Oo Taal Halbowlihii Ugu Mihiimsanaa Ee dalka Waxayna Qoorta Ka Jareen Cayayaankii Madaxda U Ahaa Goobahaas ee Reer Sixirlayaan Waxay Kaloo Laad Kaga Jejebiyeen Durbaanadii Shaydaanka ee Ay Garaacan Jireen, Maalintaa Iyada ah Waxay Noqotay Maalin Farxad weyn Oo Lama Ilaawaan ah Ku Beertay Kooxdii Reer Murqaansane Waxayna u Ekaatay in Qaalintoodii Maandeeq Soo Celinteedii Suurto Gal Noqon Karto Dhankii Reer Saaxirle Waxaa Ka Bilaabmay Oohin Iyo Baroor Wiigii Kaa ka danbeeyey Waxaa Magaaladii Burco La mari Kari waayey Meydadkii Shaydaamiinta Qadhmuunkiisii Iyadoo Aad Ku arkaysey Goobkasta Shaydaan Baqti Ah oo Fuursan. Waxaa Kaloo Hoos Udhacay Hankii Ciidan ee Reer Saaxir Leh Iyadoo Ay Habeenkii Ugu Sii Darayd oo Dirtii iyo Dhagxa- antiiba U Noqotay Mujaahid Ku soo Cararaya Waxaa Kaloo Bilaabmay 5 Cisho Ka dib inaygalaan Caasimadii Hargeysa Taas Oo Iyana Kaga Dhacday Arinkii Burco Kaga Dhacay Midkasii Daran Ama Kasii Geeri Badan Dhanka Faqashta iyo Saaxiriinta iyo Shaydaamada Huwantan IS Xanbaarsan Laakiin Isku soo Wada duub oo Waxaa Baalaha Ka rifay Ciidamadii Tirada Yaraa ee Reer murqaansane Kuwaas Oo Mooralkoodu Marba Marka kasii Danbeeyo Kor U sii Kacayo Inkastoo Ay qiimaynteeda Leedahay Meel Ay Maxastaadii Taalo OO Dagaal Ka Bilowday In Qasaare Badan Oo Dhankasta leh Ay Imanayso Hadana Taa Waxaa Lagu Taboolayey Oo Iyaduna Meesha Ku jirtay ku Tala Galkii Hore Ayay ku Jirtey In sidaa Si ka Duwan Oo Shaydaanka Laysaga Naari Karaa Aanay Jirin Markaa Wax Kasta oo Dhaca Ama Dhimasho iwm Faa,iida soo Korodhay Bay ku xisaabsanayd Waana Mid Ay Waqkasta Taariikhdu Xusidoonto Maalintaa Iyada ah Shacabka Reer Soomaaliland Waxay U ahay Farxad Saxaysa Qalad ay Beri Galeen Dib U Sixitaankiisii Go,aana Waxay ku Qaateen Inay nafta Iyo Maalba U huraan. Iyadoo Maanta intaa Inoogu Joogi Doonta Waxaynu Markasta Iyo Goobkasta Fiiro Gaar Ah Siinaynaa ISkuubnaantu Inay Tahay Muhiimad Aad u Miisan Badan Ay Tahay In Aynu Dib U Abaabulo Isku Duubnaantii Faa,iidada Badnay Ee Aan ku Macaashnay Taas Oo Aan Aaminsan Ahay Haddii Aynu Samayno In Ciraafku Ina daanweyne Yahay In Uu Imanayo Wadar,wada jir Iskuduubni. Guul. Insha,allah by Xasancade - See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=127627#sthash.8krUDUyo.dpuf

Shaqala,aanta Wadanka Oo si Kordhaysa iyo Dhalinyarada oo Hada Si Toosa U bilaabay Tahriibtii laga Nastay Mudadii u Danbaysay + War la,aanta Xukuumada

Dhalinyaradii ku DHaqnayd Guud ahaaan Gobolada Somaliland oo si Duur xula Beryihii u danbeeyaay uga sii jeeda wadanka ka dib Shaqo la,aan aad u culus oo soo foodsaartay Beryihii u Danbeeyay iyaga oo ka ladnaa muddo Dhowr bilooda Tahriibta ka dib markii uu Hamigoda ay ku jirtay waxaa Dalka ka dhacay isbedel Xukuumadeed Taas oo ay hada Dhalinyaradu ku tilmaamayaan Hunkoow ay ku habsaameen iyagoo xukuumadana ku tilmaamay mid aan waxa Qiima iyo Qadarin u lahayn wadanka iyo Dhalinyaradaba Madaxweyne siilaanyana uu Doonaayay oo kaliya sidii uu wadanka u Hogaaminlaah Ee aanu Doonayn inuu Abuuro Shaqo ay ku Nafaxaadan Dhalintii sida Hagar la,aantaa u soo Dooratay Madaxweyne Ahmed Mah-ed Mahuud siilaanyo. SHaqala’aantan aya Dhalinyaradu ka cabanayaan ayaa waxaad Dareemaysaa ka dib markaad Dhalinayarada aad la wadaagto Wada hadal kuwaas oo Dhamaantood Yuurara Goobaha Fadhi ku Dirirka. Dhalinayarada ayaa waxa Ugu badan ee ay hadalhayaan ayaa ah sidii aay u Helilahaayeen Nolol Dhaanta tan ay hada Dhexmaquuranayaan Oo ah Soo toos 10:00am oo soo fadhiiso Goobaha fadhi ku Dirirka iyada oo ay dhalinyaradii ka soo baxday Dugsiayada Sare iyo Jaamacadaha ay iyagu ka Baxeen Hugii ay ku jireen Feker iyoBahalyow la soo dersay markay waayeen Shaqo ay ku Tiiriyaan Nolol Maalmoodkooda iyo waliba Waalidkood Oo inbadan lasoo Baxaadegaayay intii ay Dhamaysanayeen Waxbarashada ilaa heer Jaamaceed. Taas oo aad ku tilmaami karto war laan haysata Xukuumada uu HogaamiyoMr Siilaanyo Oo uu xilkas kasaaranyahay Dhalinyarada Da’yarta iskadaa inay ka war hayaane waxaaba dhalinyarada Cunaqabatayn labaad ku aha in dhalinyaradii shaqaynjirtay xilikii Dawladii ,Madaax weyne Riyaale Shaqadii laga Caydhiyay Hadii ay yihiin kuwii wasaaradaha iyo waliba kuwii ku Laamadoodsanaa meelaah Haayaadahayar yar Ee wadanigaa iyo Ajaanibkaba Maha Hadalkaaygaasi Mucaarad ama Dadka qaar ayaad odhankartaa waxay u dareemayaan in Haddi laga hadlo marxalada jirta inuu Qofkaa Qoray Qoraalkaa inuu leeyahay Aragtii gaaraa ,laakiin waxan leeyahay walaldayada Luqadan aan ku Cabiraayo Dhibaatadan Ruug cadaysay fahmaysa waxaan leeyahay Dhalintii u dhalatay wadanka Soomalaind Bal ila Eeg inta Dhalinyaree Tahriibtay Wigii U danbeeyay Markaas ayaad xaqiiqsanaysa Odhaahdaydan Xiisaha iyo xulashada Badan Hargeisa:waxaa ka baxay Wiigii uDanbeeyay 55Qof . Boorame:waxaa ka baxay Wiigii uDanbeeyay 39Qof. Berbera:waxaa ka baxay Wiigii uDanbeeyay 26Qof. Burco: waxaa ka baxay Wiigii uDanbeeyay 45Qof. Laascaanood:waxaa ka baxay Wiigii uDanbeeyay 14 Qof. CeerigaaboXigasho Weriye xasan waxaa ka baxay Wiigii uDanbeeyay 17Qof oo badana la hayo magcayadoodii. Oodweyne:waxaa ka baxay Wiigii uDanbeeyay 9 Qof, Codsi:Qofkii Doonaya Magacyada Dhalinyarada Badankooda waa uu Naga helikaraa Dhamaan Dadkaa ka baxay Goboladoo dhan . Intaa ka dib anigoo hadalka badinmaaye waxaaynu Dhamaan Daramikaranaa infalkaa ay Cadaysteen Dhalinyaradeenu ay dhabarka ay ka jebinayso Dalkeena Hooyo iyo waliba Dadkeena Muwaadiniinta reer soomalinadba waxaanan dhalinta reer soomalind odhanlahaa Aamina Dalkiina Hooyo. Garlahaansho;Adiga oo fahmikara in dhalinyaradu ay ka garhelikaraan Xukuumada markaa Dalka Hogaaaminaysa oo loo baahanyahay in Xukuumadu ay samaayso inta karaankeeda Inay abuurtoXeeladao Dhalinyaradu ku Helayso Shaqo ay kudegaan,laakiin Hadda waxaabad odhankartaa Dawladan uu Hogaamiyo Siilayo ,Iska Daa,shaqaalaysiine waxay Dhexdabaalanaysaa Musuq Maasuq Laxalaashaday oo ay ku Dhaqmayaan dhamaan Masuuliyiintii Shaqada Abuurilahaa . Waxaanu itaalkii xukuumadu isugu soo uruuray DHagax dhig aan dhamaan –bilawna aan lahayn dhamaadna aan lahayn ,iyo hebel u jawaab taas oo sharaf dhaca ku noqonaysa halkankii snm. DarDaaran:Dhamaan waxaan kula Talinayaa Dawalada Waxa,magaratada Ee soomaliland iyo Ganacsatadan kufadhita Kala badh Khibradihii Ay Dhalintu ay ku Shaqo raadsanlahaayeen oo ay dhalinta u baneeyaan Jaanis ku filan . Haddii kale waxaa la arki doonaa Dalkii ugu horeeyay ee lagaba waayo Qof Dhalinyaraa oo Xeelad shaqaa ku Xogmaalaya Wadankankiisan Hooyo.. Mukhtaar Maha-ed Jama (M.Nadaara). Burao Somaliland . Email:mukhtaar_1991@hotmail.com
WARKII UGU DANBEEYEY

DAAWO : Maxwaynaha Somaliya oo Casho Sharaf ku Maamuusay Xubnaha ka Qaybgalay Shirkii Aminga Somaliya ee Muqdisho ka Dhacay.

DAAWO : Maxwaynaha Somaliya oo Casho Sharaf ku Maamuusay Xubnaha ka Qaybgalay Shirkii Aminga Somaliya ee Muqdisho ka Dhacay.
Copyricht @ 2014 Horn Cable TV
Contact us Email: info@Horncabletv.com    Quality Technology Link

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress